Ku soodhwaw website-keega rasmiga ah Waxaan ahay musharax utaagan xilka Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Somaville, halkaan waxa aad kaheli doonta macluumaad igu saabsan iyo ajindaheega doorasho
Halkaan kadagso brochure-kaMagacaygu Waa Xasan Cabdi Axmed kuna magac dheer (Ukash) Waxa aan ku dhashay kuna barbaray gobolka banaadir gaar ahaan degmada yaaqshiid.
Waxa aan jaamacadda ku soo biiray sanad dugsiyeedkii 20/21 haddana waxa aan ku jiraa sanad dugsiyeedkii udambeeyey
Waxa aan ahay macalin wax ka dhiga mid kamid ah dugsiyada gobolka banaadir oo ah dugsiga HOYGA XAMAR Waxa aan leeyahay xirfadda macalinnimo muddo ku dhan 5 sano Oo aan wax usoo kala dhigay wali dhigayo illaa heer dugsi sare.
Intii aan ku jiray hayaanka waxbarashada jaamcadda kuma ekaan oo keliya hayaan waxbarasho jaamacadeed, waxa aan kale oo wax kabartay walina ka bartaa qaar kamid ah goobaha waxbarasho
Waxaan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ka heystaa Shahaado Full-Stack Development ah
AQOON
WAAYA ARAGNIMO
CADAALAD
Halkaan Kadagso Buuga Wax-QabadkaWaxaan ardayda ka saari doonna dhammaan caqabadaha ay la kulmi karaan intee ku jiraan waxbarashada iyo markee qalinjabiyaan si loo xaqiijiyo so bixitaan arday u qalma sumcadda iyo magaca jaamacadda.
Waxa aan dhagaysan doonaa tabashada iyo cabashooyinka ay qabaan ardayda iskuna dayi doona inuu wax ka qabto waliba sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo cabashadaas aan gaarsiin doono cidda ay quseeso.
waxa aan ogahay baahiyaha ka jira wajahayaan ardayda hadda soo gashay jaamacadda iyo kuwa kale sidaas darted waxaan isu sharaxay oo kaliya inaan daboolo intii karaankeyga ah qayb kamid ah baahiyihiina oo aan is dhahaayo way muhiim in la daboolo.
Mudada labada sane aan xilka heydoono waxaan kashaqeyn doona si aan ugaaro ahdaaftaan sosocoto
Ugu danbeyn mudane iyo marwo igu aamin codkaada oo gacantaada ku ciil bax kuna dooro qofkii dabooli lahaa baahidaada mar kale hadaan idiin kugu celiyo waxa aan ahay macalin waxaan garanyaa baahidiina iyo gocoshadiina dadkana waxaa laga xushaa qofkii dareemi lahaa baahidaada lana imaan karo wax qabad muuqdo oo loo riyaaqo